Monday, June 22, 2026

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal arxan darro ah oo lagu xadgudbay sharafka iyo cirdiga gabar Soomaaliyeed, kaas oo si weyn uga caro geliyay bulshada, isla markaana muuqaallo la xiriira lagu faafiyay baraha bulshada.

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkaasi, iyadoo sheegtay inuu si cad uga hor imaanayo diinta Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana u baahan in si wadajir ah looga hortago.

“Falkan wuxuushnimada ah waxa uu ka hor imaanayaa diinteenna, dhaqankeenna iyo sharafka muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana waajib nagu ah inaan si wadajir ah uga hortagno falalka noocan oo kale ah,” ayay tiri wasiiraddu.

Wasaaraddu waxay sidoo kale farriin adag u dirtay hay’adaha ammaanka, iyadoo ku amartay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qabtaan eedeysanayaasha ku lugta leh falkaasi, si loo horgeeyo hay’adaha caddaaladda.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday waalidiinta, qaraabada iyo cid kasta oo aqoonsan karta dadka falkaasi geystay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana aan la siin wax gabaad ah.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay adkaysay in caddaaladda la horkeeno dhammaan dadkii ku lug lahaa falkaasi, si loo muujiyo in aan la aqbali karin xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii...

Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo xalay Weerar Ku qaaday Baydhabo

Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles