Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag oo loogu diyaarinayay howlgalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee magaalada Isiolo.

Askartan ayaa ka howl geli doonta Soomaaliya iyagoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), waxaana loo diyaariyay inay ka shaqeeyaan mid ka mid ah deegaannada amni ahaan ugu nugul qaaradda Afrika.

Tababarka waxaa kormeeray Taliyaha Ciidamada Bartamaha Kenya, Sareeye Guud William Kamoiro, waxaana lagu baray diyaar-garowga dagaalka, ilaalinta ciidamada iyo iskaashiga shacabka iyo ciidamada. Sidoo kale waxaa la marsiiyay layliyo adag oo lagu matalayay xaaladaha dhabta ah ee ay kala kulmi karaan Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sidoo kale tababar ku qaatay sidii ay go’aanno degdeg ah u qaadan lahaayeen marka ay la kulmaan xaalado amni oo is beddelaya, iyadoo xoogga la saaray kor u qaadista xirfadaha dagaalka iyo la tacaalidda khataraha amni ee soo kordha.

Tababarka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray wada-shaqeynta iyo la jaanqaadka ciidamada kale ee ka qeybgalaya howlgalka AUSSOM, si loo xaqiijiyo in si isku-duuban ay uga howlgalaan Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya weli wajahdo caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed, iyadoo Al-Shabaab ay weli maamusho deegaano badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka, isla markaana sii waddo weerarrada ay ku beegsato xarumaha ciidamada iyo goobaha rayidka.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa weli dib u dhigtay dib u furista xadka Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in go’aankaasi uu salka ku hayo walaaca amni iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo aan weli degganeyn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles