Monday, June 22, 2026

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in ay jiraan kooxo iyo shaqsiyaad si joogto ah ugu mashquulsan sidii ay u wiiqi lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kooxahaasi ay ku jiraan kuwo uu ku tilmaamay cadow dalka ka soo horjeeda, kuwaas oo 24 saac ku hawlan burburinta nidaamka dowliga ah.

Kuwo waxaa jira cadow ah oo 24 saac ku mashquulsan inay wiiqaan dowladnimada Soomaaliya. Kuwo badan oo gooni-u-goosad ah ayaa jira oo raba inay dalka kala gooyaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in jiraan dad kale oo doonaya inay kala qayb-qabtaan dalka, balse uu sheegay in aanay jirin cid u fulin karta damacaas.

“Waxaa jira kuwo ku mashquulsan inay dalka kala gooyaan, damacooda cid ka yeeleysa ma jirto,” ayuu raaciyay.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo la dagaallanka cid kasta oo halis ku ah dowladnimada iyo amniga guud.

WARARKII KALE

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii...

Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo xalay Weerar Ku qaaday Baydhabo

Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles