Monday, June 22, 2026

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay hawlgallo lagu xoojinayo ciribtirka anshax-xumada iyo falalka lidka ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed.

Hawlgalkaas ayaa lagu soo qabtay laba eedeysane oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku faafinayeen muuqaallo anshax-xumo ah.

Boolisku wuxuu sheegay in eedeysanayaashan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay weli ku raad-joogaan dhowr eedeysane oo lala xiriirinayo falal dhaqan-xumo ah oo lagu sameeyay gabar Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay shacabka in ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan eedeysanayaasha, si ay ula xiriiraan saldhigga ugu dhow ama lambarka degdegga ah ee 991.

WARARKII KALE

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii...

Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo xalay Weerar Ku qaaday Baydhabo

Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles