Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Axaddii ee ku saabsanaa, in ciidamada Israa’iil ay sii joogaan aagga amniga ee koonfurta Lubnaan, isagoo yiri:

Suuragal ma ahan in ciidamada Israa’iil ay sii joogaan Lubnaan.”

Wuxuu sidoo kale intaa raaciyay:

“Ma jirto aag amni oo Israa’iil leedahay. Waxaan leenahay ciidan qaran oo mas’uul ka ah ilaalinta dalka, waana la shaqeyneynaa.”

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa khudbad uu si toos ah uga jeediyay telefishinka ku sheegay, in Israa’iil ay tahay “dal cadow ah” isla markaana ay “khasab tahay inay ka baxdo Lubnaan.”

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Mareykanka joogitaanka sii socda ee ciidamada Israa’iil ee Lubnaan, isagoo sheegay in Mareykanka uu mas’uul ka yahay sii socoshada xaaladdan.

Dhaka kale, wareeggii koowaad ee wadaxaajoodyada u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan ee lagu doonayay in lagu gaaro heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjaro dagaalka ayaa lagu soo gabagabeeyey “horumar dhiirrigelin leh”, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan.

Wadahadalladu waxay ka bilaabmeen Axaddii dalka Iswiiserlaand, kaddib heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dal ay gaareen toddobaadkii hore.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles