Friday, June 26, 2026

Soomaaliya oo ku Biirtay 15 Heshiis, Baratakool iyo Lifaaq-Sharciyeed Caalami ah oo La Xiriira Arrimaha Badaha

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu biirtay shaN iyo toban (15) heshiis, baratakool iyo lifaaq-sharciyeed caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha, taas oo ah tallaabadii ugu ballaarneyd uguna muhiimsaneyd ee lagu casriyeynaayo hannaanka sharciyeed ee badaha Soomaaliya tan iyo markii uu dalku xorriyaddiisa qaatay.

In kasta oo Soomaaliya ay leedahay xeeb-barriyeedka ugu dheer Afrika, isla markaana ay ku taallo marinno istiraatiiji ah oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan adduunka, haddana tan iyo 1960ki waxay ku biirtay oo keliya saddex heshiis oo caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha.

Tallaabadan waxay ka tarjumaysaa aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in dal leh badda baaxaddaa leh aanu sii ahaan karin mid aan qeyb ka aheyn nidaamka sharciyeed ee caalamiga ah ee khuseeya badaha. Muddo dheer ayey xaddidnaanta ku biirista heshiisyada muhiimka ah ee caalamiga ahi waxay caqabad ku ahayd in Soomaaliya si buuxda uga mid noqoto nidaamka gaadiidka badda ee caalamiga ah, soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo kor u qaadidda badqabka iyo amniga badaha. Maantana Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaaday tallaabo taariikhi ah oo lagu saxayo xaaladdaas.

Heshiisyada Caalamiga ah ee ay Soomaaliya Ku Biirtay:

I. Badqabka iyo Hagidda Maraakiibta

1.Heshiiska Caalamiga ah ee Baadigoobka iyo Samatabbixinta Badda (SAR), 1979.

2.Heshiiska Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababarka, Shahaado-siinta iyo Ilaalinta Shaqada Badmaaxiinta (STCW), 1978

3.Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Ka Hortagga Isku-Dhacyada Badda, 1972 (COLREG 1972)

3. Axdiga Caalamiga ah ee Cabirka Culeyska Maraakiibta, 1969

4.Heshiiska 1965 ee Fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (FAL 1965).

5.Borotokoolkii 1978 ee la xiriira Heshiiska Caalamiga ah ee Badbaadada Nolosha Badda ee 1974 (SOLAS Borotokoolka 1978).

6.Borotokoolkii 1988 ee la xiriira Heshiiska Caalamiga ah ee Badbaadada Nolosha Badda ee 1974 (SOLAS Borotokoolka 1978).

II. Ilaalinta Deegaanka Badda iyo Magdhowga Dikhowga

7.Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga, U-diyaargarowga iyo Ka Jawaabta Wasakhowga Saliideed (OPRC), 1990

8.Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakheynta Shidaalka, 1992.

9.Baratakoolka 1992 ee Wax ka Bedelka Mas’uuliyadda Waxyeellada Wasakhowga Saliideed.

10.Borotokoolkii 1997 ee wax-ka-beddelka Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Wasakhowga Maraakiibta ee 1973, sida uu wax uga beddelay Borotokoolkii 1978 ee la xiriira heshiiskaas (MARPOL PROT 1997).

III. Amniga iyo Badqabka Badaha

11.Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Falalka Sharci Darrada ah ee Ka Dhanka ah Badqadbka Socdaalka (SUA 2005)

12.Axdiga Caalamiga ah ee Nairobi ee Ku Saabsan Ka Saarista Burburka Maraakiibta, 2007

13.Baratakoolka Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Falalka Sharci Darrada ah ee Ka Dhanka ah Badqadbka Socdaalka (SUA 2005)

14.Borotokoolka Ku Saabsan Mudnaanta iyo Xasaanadaha Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Dayax-gacmeedka Guurguura (International Mobile Satellite Organization – IMSO), iyo wax ka beddelkiisa.

Ku biirista heshiisyadan caalamiga ah waxay qayb ka tahay howlaha hortabinta u leh Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, waxayna si buuxda ula jaanqaadaysaa qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP)

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo ka guddoomay Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo Safiirka Soomaaliya

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah...

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan oo Kuwait lagu soo dhoweeyey

Ka dib Casuumaad uu ka helay Guddoomiyaha Guddiga sare...

Trump oo sheegay Weerarka Iiraan ee markabka xamuulka inu yahay  xadgudub ka dhan ah heshiiska joojinta dagaalka

Isagoo ka hadlayay weerarkii Jimcihii lagu qaaday markab xamuul...

kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

MW Xasan Sheekh oo ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles