Iiraan oo ugu baaqday Mareykanka inuu qaado tallaabooyin ay Israa’iil ku joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa carrabka ku adkeeyay in ka bixitaanka Israa’iil ee Lubnaan iyo joojinta weerarrada ay waajib ku tahay heshiiska is-afgaradka ee ay la galeen Mareykanka, intii uu socday booqasho rasmi ah oo uu ku tagay caasimadda Ciraaq.

Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Ismaaciil Baghaei ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu qaado “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si loo hubiyo in Israa’iil ay joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Mehr ee Iiraan.

Hadalka Baqai ee Axaddii ayaa jawaab u ahaa su’aal laga weydiiyay heshiiska qaab-dhismeedka ee ay kala saxiixdeen mas’uuliyiinta Lubnaan iyo Israa’iil oo ay gacanta ku hayso Mareykanka, iyo xaaladda heshiiska is-afgaradka ee Iiraan iyo Mareykanka ee la xiriira Lubnaan.

Baqaei wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo madaxbannaanida Lubnaan iyo sharafta dhuleed, isagoo sheegay in joojinta dagaalka Israa’iil iyo joogitaankeeda Lubnaan ay tahay “shuruud aasaasi ah” si loo gaaro guul heshiis kasta, isagoo intaa ku daray in Tehran ay arinkan mudnaanta siisay heshiiskii is-afgaradka ee lala galay Washington, iyo sidoo kale soo afjaridda dagaalka Iiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles