Sunday, June 28, 2026

Madaxweyne xasan sheekh iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Itoobiya ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulan la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli-doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha ciidamada Uganda oo albaabada u laabay warbaahinta ugu muhiimsan Uganda

Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay...

Iiraan oo ugu baaqday Mareykanka inuu qaado tallaabooyin ay Israa’iil ku joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa carrabka...

Booliiska Soomaaliya oo soo Bandhigay dhallinyaro lagu eedeeyay Faafinta Anshax-xumo

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan waaxda CID, ayaa...

Somaliland”Siyaasiyiin Reer Somaliland ah ayaa Nairobi kula shiray DF”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wadahadlay xaalada Gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles