RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in hub lagu dhex qaato magaalada Muqdisho, isagoo xusay in xaaladda amni ee caasimaddu ay soo hagaagayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isaga qudhiisu uu saaka maray waddooyinka Muqdisho, isla markaana uusan la kulmin waddooyin loo xiray, isagoo sheegay inuu la galay saxmadda gaadiidka ee shacabka.

“Ayadoo magaaladan boqol boqol loo dhimanayay ayaan saaka waddo la ii xirin oo aan Tarabuunka jaam ku galay anigoo dadka la siman,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqeynayso xoojinta amniga iyo sidii Muqdisho u noqon lahayd magaalo ay shacabka si nabad ah ugu noolaan karaan, isagoo tilmaamay in aan loo baahnayn in hub lagu dhex sito caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles