Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo masaafuriyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, oo sidoo kale hore u soo noqday Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay warbixinta, dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Jibriil inuu haystay dukumiintiyo Kenyan ah oo si sharci darro ah lagu helay.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Jibriil lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa qorshe lagu qalqal gelinayo amniga magaalooyin ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay inuu hub diyaarad ku geeyay mid ka mid ah magaalooyinka ku dhow xadka, isagoo la sheegay inuu ka sii amba-baxay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) si hub loogu qaybiyo maleeshiyaad beeleed, taas oo Kenya ku tilmaantay khatar amni.

Sidoo kale, warbixintu waxay ku xirtay Jibriil iska horimaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo barakaca boqolaal qoys.

Hay’adaha Kenya waxay intaas ku dareen in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in arrintan lagu xalliyo ay fashilmeen.

Hay’adaha Kenya waxay intaas ku dareen in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in arrintan lagu xalliyo ay fashilmeen.

Waxa kale oo ay sheegeen in Jibriil uu dib u cusbooneysiistay baasaboorkiisa, iyadoo la sheegay in sawirrada dukumiintigaas la baahin doono.

Eedeymahan ayaa ah kuwo ay soo bandhigeen hay’adaha ammaanka Kenya, mana jiro illaa hadda wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles