Monday, June 29, 2026

Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo masaafuriyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, oo sidoo kale hore u soo noqday Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay warbixinta, dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Jibriil inuu haystay dukumiintiyo Kenyan ah oo si sharci darro ah lagu helay.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Jibriil lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa qorshe lagu qalqal gelinayo amniga magaalooyin ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay inuu hub diyaarad ku geeyay mid ka mid ah magaalooyinka ku dhow xadka, isagoo la sheegay inuu ka sii amba-baxay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) si hub loogu qaybiyo maleeshiyaad beeleed, taas oo Kenya ku tilmaantay khatar amni.

Sidoo kale, warbixintu waxay ku xirtay Jibriil iska horimaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo barakaca boqolaal qoys.

Hay’adaha Kenya waxay intaas ku dareen in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in arrintan lagu xalliyo ay fashilmeen.

Hay’adaha Kenya waxay intaas ku dareen in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in arrintan lagu xalliyo ay fashilmeen.

Waxa kale oo ay sheegeen in Jibriil uu dib u cusbooneysiistay baasaboorkiisa, iyadoo la sheegay in sawirrada dukumiintigaas la baahin doono.

Eedeymahan ayaa ah kuwo ay soo bandhigeen hay’adaha ammaanka Kenya, mana jiro illaa hadda wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan Miro-dhal ah la Qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in...

Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee...

Ciidamada Qalabka Sida oo Dhoollatusyo u Diyaarinaya Xuska 1-da Luulyo

Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan dalka ayaa waxaa...

Pakistan oo weerar ku qaaday Afghanistan

Pakistan ayaa sheegtay inay qaaday duqeymo cirka ah iyo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles