Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jimcaale Jaamac Samatar (Takar), la filayo inuu maanta gaaro magaalada Garoowe, kaddib markii la sheegay inuu shalay tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah, Taliye Jimcaale ayaa la filayaa inuu u gudbo Garoowe si uu ula wareego hoggaanka cutubyo ciidan oo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay si toos ah uga amar qaataan, kuwaas oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in ciidamo la geeyo duleedka Garoowe, si loogu hortago dhaq dhaqaaqa taliye Jimcaale.

Toddobaadkii hore ayaa magaalada Laascaanood la geeyay agabyo ciidan, kuwaas oo ilo kala duwan ay sheegeen in qayb ka mid ah loogu talagalay ciidamada ku sugan deegaannada ku dhow Garoowe.

Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa ku loolamaya deegaanada maamulkaasi, iyadoo labada ciidan ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka Nugaal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles