Monday, June 29, 2026

Ciidamada Qalabka Sida oo Dhoollatusyo u Diyaarinaya Xuska 1-da Luulyo

Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan dalka ayaa waxaa ka socda diyaar-garowga munaasabadda 1-da Luulyo, oo ah maalinta loo asteeyay xuska xorriyaddii gobollada Koonfureed, midowgii Waqooyi iyo Koonfur, iyo aas-aaskii Jamhuuriyaddii Soomaaliya sannadkii 1960-kii.

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku jira tababarkii iyo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda.

iidamada ayaa la filayaa inay soo bandhigaan dhoollatusyo ciidan iyo bandhigyo kala duwan oo lagu maamuusayo maalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Munaasabadda sanadkan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo ka dhex jira hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qaarkood ka aragti duwan hanaanka ay Dowladda Federaalka u waddo arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale, waxaa jira doodo siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka ay Somaliland la yeelatay Israa’iil, iyadoo arrintaasi ay noqotay mid si weyn loogu falanqeynayo saaxadda siyaasadda.

1-da Luulyo ayaa weli ah maalin astaan u ah xorriyadda, midnimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana sanad kasta lagu xusaa munaasabado ay hormuud u yihiin ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha dowladda.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan Miro-dhal ah la Qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in...

Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo...

Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee...

Pakistan oo weerar ku qaaday Afghanistan

Pakistan ayaa sheegtay inay qaaday duqeymo cirka ah iyo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles