Pakistan oo weerar ku qaaday Afghanistan

Pakistan ayaa sheegtay inay qaaday duqeymo cirka ah iyo weerarro dhulka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ay ku tilmaantay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo ku yaalla gudaha xadka Afghanistan.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa sheegay in weerarradu ay ka dhaceen gobollada Paktia, Paktika iyo Kunar.

Mas’uuliyiinta Taliban ee Afghanistan ayaa dhankooda sheegay in tobannaan qof oo rayid ah la dilay ama lagu dhaawacay weerarradaas.

Weerarradan ayaa yimid maalmo yar kadib markii koox Islaami ah ay weerartay xero ay leeyihiin ciidamada ilaalada xuduudaha Pakistan (Rangers) oo ku taalla magaalada Karachi ee koonfurta dalka, halkaas oo lagu dilay saddex askari.

Islamabad waxay ku eedeysay dowladda Taliban ee Kabul inay hoy iyo gabaad siiso maleeshiyaadka weerarrada ku qaada ciidamada Pakistan, eedeyntaas oo maamulka Kabul uuu beeniyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles