Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay inay halis ku yihiin qaranimada Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadallo kulul u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, isagoo ku eedeeyay inay khatar ku yihiin qaranimada iyo midnimada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isagoo yiri:

“Qaranimada waxaan ka ilaalineynaa qoladaan qaraabada ahayn ee magaalada qoryaha ku soo galay iyo kuwa Kolombiyaanka ah ee calooshood u shaqeystayaasha ah, kuwaas oo Soomaalida ka jecel.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku tilmaamay siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada inay yihiin cadowga qaranimada, isagoo sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin wax kasta oo wax u dhimaya jiritaanka iyo midnimada dalka.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax jawaab ah oo dhinacyada uu hadalkaasi quseeyo ay ka bixiyeen eedeymahaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles