Thursday, July 2, 2026

Mareykanka iyo Sacuudi oo isku khilaafay dagaalka Iran

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay daabacday Wall Street Journal, dowladda Mareykanka ayaa ka fiirsanaysa inay yareyso ama dalal kale ugu wareejiso qayb ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Sacuudi Carabiya. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo ay sare u kacayaan xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Riyaad ee la xiriira dagaalka Iiraan iyo khilaafka ka taagan sida loo sugi lahaa ammaanka maraakiibta maraya Marinka Hormuz.

Warbixintu waxay sheegtay in sanadkii hore, markii in ka badan 100 diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah ay ka duuleen saldhigyo iyo maraakiib dagaal oo ku yaalla Bariga Dhexe si ay qayb uga noqdaan hawlgal lagu ilaalinayay in Marinka Hormuz uu furnaado, hawlgalkaasi uu la kulmay caqabad lama filaan ah. Sacuudi Carabiya, oo saldhigyadeeda iyo hawadeedu muhiim u ahaayeen hawlgalka, ayaa la sheegay inay diidday inay la shaqeyso Mareykanka.

Sida ay Wall Street Journal u sheegeen saraakiil Mareykan ah oo xogtan la socday, diidmadaas ayaa ku qasabtay Washington inay hakiso hawlgalka Mashruuca Xorta ah, oo ahaa hawlgal militari oo Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay saacado ka hor si loo xaqiijiyo in maraakiibtu si nabad ah ugu gudbi karaan Marinka Hormuz. Sidaas darteed, hirgelinta hawlgalka ayaa hakad gashay.

Wargeyskan Mareykanka ah ayaa sheegay in mid ka mid ah fursadaha la tixgelinayo ay tahay in la dhimo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Sacuudi Carabiya, isla markaana qayb ka mid ah ciidamada iyo qalabka loo wareejiyo dalal ay ka mid yihiin Israa’iil iyo Urdun, kuwaas oo, sida Washington u aragto, si weyn ula shaqeeyay intii lagu jiray dagaalka Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Wall Street Journal ayaa xustay in aan weli la gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan in ciidamada Mareykanka laga saaro Sacuudiga, isla markaana arrintan ay weli ku kooban tahay oo keliya baaritaan iyo qiimeyn lagu sameynayo fursadaha kala duwan.

Ilaa iyo hadda, saraakiisha Mareykanka ma aysan xaqiijin mana aysan beenin inay jiraan qorshayaal dhowaan lagu saarayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Sacuudiga.

WARARKII KALE

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles