Thursday, July 2, 2026

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin ay ku sheegtay in shixnad lagu qiyaasay ku dhowaad hal tan oo qalab ah la geeyay magaalada Muqdisho 21-kii Juun, iyadoo lagu andacoonayo in shixnaddaasi ay ka timid Israa’iil isla markaana ay xambaarsaneyd qalab casri ah oo la xiriira sirdoonka, isgaarsiinta militariga iyo amniga. 

Sida ay warbixintu sheegtay, shixnadda ayaa la sheegay inay kasoo baxday Tel Aviv, isla markaana ay soo martay magaalada Nairobi ka hor inta aan loo soo gudbin Muqdisho.

Al-Mayadeen ayaa intaas ku dartay in shixnadda loo diiwaangeliyay inay ku socotay xafiis ay Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho, balse ilo ay soo xigatay warbaahintu ay ku andacoodeen in qalabkaasi loogu talagalay adeegsi milatari iyo sirdoon.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in qalabka la sheegay inuu ka yimid Israa’iil ay bixisay shirkad lagu magacaabo Mer Security and Communications, oo xarunteedu tahay magaalada Or Yehuda, iyadoo la sheegay in markii uu soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu la wareegay xafiis sirdoon oo ku yaalla xarunta Qaramada Midoobay ee garoonka.

Ilo aan la magacaabin oo ay soo xiganeyso Al-Mayadeen ayaa ku doodaya in shixnaddaasi lagu soo geliyay magaca Qaramada Midoobay, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiro wax xaqiijin ama beenin rasmi ah oo arrintan ku saabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo maamulka Israa’iil midkoodna weli kama hadlin warbixintan, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijisay sheegashooyinka la baahiyay.

Warbixintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii kordhayo hadal-heynta ku saabsan loollanka istiraatiijiga ah ee ka jira Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.

Waxa kale oo ay kusoo beegmaysaa kadib markii hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdulmaalik Al-Xuuti, uu sheegay in kooxdiisu ay si dhow ula socoto waxa uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee Soomaaliya.

Cabdulmaalik Al-Xuuti ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dooneyso inay saldhig ka sameysato Soomaaliya si ay saameyn ugu yeelato marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, isagoo ugu baaqay dalalka ku teedsan Badda Cas inay qaataan mowqif mideysan oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray faragelinta Israa’iil.

WARARKII KALE

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay...

Mareykanka iyo Sacuudi oo isku khilaafay dagaalka Iran

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay daabacday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles