Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay soo afjarayso taageerada ay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa 31-ka Diseembar 2026, iyadoo sabab uga dhigtay in Soomaaliya aysan sameyn horumar ku filan oo dhinaca amniga ah, isla markaana aysan weli la wareegin mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.

Qoraal ay Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa la wadaagtay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Washington aysan hor istaag ku noqon doonin cusboonaysiinta AUSSOM ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee hoos imanaysa cutubka toddobaad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo Soomaaliya hadda ku jirto ilaa 31-ka Diseembar 2026.

Si kastaba, Maraykanku wuxuu caddeeyay inuusan taageeri doonin wax cusboonaysiin ah oo AUSSOM loogu darayo howlgalka UNSOM ama qaab kasta oo ku lug leh saadka, taageerada farsamo iyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu xusay in Maraykanku balaayiin doolar ku bixiyay taageerada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, balse ay weli muuqato in hoggaanka Soomaalida uu ku guul-darreystay inuu dalka gaarsiiyo heer uu si buuxda ula wareego amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa qoraalkiisa ku muujiyay walaac ku saabsan gaabiska ka jira dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo dib u dhacyada ku yimid dadaallada lagu doonayay in dowladda federaalka ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.

Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka gudbaan khilaafaadka, isu yimaadaan, kana shaqeeyaan danta guud iyo xasilloonida dalka, si Soomaaliya uga baxdo ku tiirsanaanta taageerada shisheeye.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles