Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay soo afjarayso taageerada ay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa 31-ka Diseembar 2026, iyadoo sabab uga dhigtay in Soomaaliya aysan sameyn horumar ku filan oo dhinaca amniga ah, isla markaana aysan weli la wareegin mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.

Qoraal ay Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa la wadaagtay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Washington aysan hor istaag ku noqon doonin cusboonaysiinta AUSSOM ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee hoos imanaysa cutubka toddobaad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo Soomaaliya hadda ku jirto ilaa 31-ka Diseembar 2026.

Si kastaba, Maraykanku wuxuu caddeeyay inuusan taageeri doonin wax cusboonaysiin ah oo AUSSOM loogu darayo howlgalka UNSOM ama qaab kasta oo ku lug leh saadka, taageerada farsamo iyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu xusay in Maraykanku balaayiin doolar ku bixiyay taageerada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, balse ay weli muuqato in hoggaanka Soomaalida uu ku guul-darreystay inuu dalka gaarsiiyo heer uu si buuxda ula wareego amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa qoraalkiisa ku muujiyay walaac ku saabsan gaabiska ka jira dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo dib u dhacyada ku yimid dadaallada lagu doonayay in dowladda federaalka ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.

Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka gudbaan khilaafaadka, isu yimaadaan, kana shaqeeyaan danta guud iyo xasilloonida dalka, si Soomaaliya uga baxdo ku tiirsanaanta taageerada shisheeye.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles