Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in Daacish katirsan yihiin

Ciidamada maamulka Puntland , ayaa buuraha gobolka Bari ka bilaabay howlgal balaaran oo ay ku doonayaan in kooxda Daacish halkaasi looga saaro, waxaana gobolkaasi muddo dheer ku sugan Madaxweyne Deni oo howlgalkan abaabulaya.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in kooxda Daacish xiriir la lahaayeen kuwaa oo in muddo ah ku xirnaa xabsiyo kuyaalla magaalada Boosaaso.

Siciid Deni , ayaa si gaar ah cafis ugu fidiyay shaqsiyaad kasoo jeedo gobolka Bari ee Puntland, kuwaa oo u xirnaa in ay katirsanaayeen kooxda Daacish ee buuraha gobolka Bari ku sugan, iyo qaarkood oo iyana lagu eedeeyay in ay xariiro la sameeyeen xubno katirsanaa ururkaasi.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa amar ku bixiyay in xabsiyada laga sii daayo eedaysanayaashaasi oo aysan si toos ah ugu caddayn in ay ka tirsanaayeen kooxaha Daacish, balse lagu eedeeyay in uu macaamil dhexmaray ama xiriir.

Warar kale oo soonbaxaya ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay kooxda Daacish in ay kasoo goosanayeen xubno katirsanaa kooxdaasi, kuwaa oo badankood la sheegay in ay ahaayeen rag kasoo jeeda gobolka Bari ee Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles