Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, isagoo ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa haldoor muddo dheer kaalin muuqata ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu tacsi ugu diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in geerida Imaam Maxamed Yuusuf Cali ay tahay khasaare culus oo soo gaaray bulshada Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa xusay in Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed uu ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee door weyn ku lahaa dib-u-soo nooleynta dowladnimada dalka, isla markaana uu si gaar ah uga tirsanaa 135-tii odey ee saldhigga u noqday dowladnimada Soomaaliya ee maanta jirta.

“Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed, wuxuu muddo dheer ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee ka soo qayb-qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska, isagoo si gaar ah uga mid ahaa 135-tii odey ee aas-aaska u ah dowladnimada maanta la haysto,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, halka qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu uga rajeeyay samir iyo iimaan.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles