Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, isagoo ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa haldoor muddo dheer kaalin muuqata ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu tacsi ugu diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in geerida Imaam Maxamed Yuusuf Cali ay tahay khasaare culus oo soo gaaray bulshada Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa xusay in Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed uu ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee door weyn ku lahaa dib-u-soo nooleynta dowladnimada dalka, isla markaana uu si gaar ah uga tirsanaa 135-tii odey ee saldhigga u noqday dowladnimada Soomaaliya ee maanta jirta.

“Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed, wuxuu muddo dheer ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee ka soo qayb-qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska, isagoo si gaar ah uga mid ahaa 135-tii odey ee aas-aaska u ah dowladnimada maanta la haysto,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, halka qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu uga rajeeyay samir iyo iimaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles