MW Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Talyaaniga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Talyaaniga, kaasi oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Mudane Matteo Piantedosi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo xuduudaha iyo sidii labada dal ay u sii ambaqaadi lahaayeen wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee danaha guud ku dhisan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka qotada dheer ee kala dhexeeya Talyaaniga, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu laf-dhabar u yahay dadaallada dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasilloonida iyo horumarka dalka.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles