Friday, July 3, 2026

MW Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Talyaaniga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Talyaaniga, kaasi oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Mudane Matteo Piantedosi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo xuduudaha iyo sidii labada dal ay u sii ambaqaadi lahaayeen wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee danaha guud ku dhisan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka qotada dheer ee kala dhexeeya Talyaaniga, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu laf-dhabar u yahay dadaallada dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasilloonida iyo horumarka dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo ka Tacsiyeeyay Geerida Imaam Maxamed Yusuf Cali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Talyaaniga?

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fartaag...

Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Imaamkii beesha Mudullood oo ku geeriyooday Hindiya

Waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday Alle ha u naxariistee...

MW Xasan Sheekh “Israa’iil wax door ah kuma laha gobolka”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale cambaareeyay...

Hogaamiyeyaasha gaaray Tehran si ay uga qeyb galaan aaska Khamanei

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsen Naqvi, ayaa gaaray...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles