Monday, July 6, 2026

Baydhabo oo gashay diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe

Baydhabo oo gashay diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gashay diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulkaas, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada iyo xarumaha muhiimka ah.

Xafladda caleemo-saarka oo lagu wado inay qabsoonto Isniinta, 6-da Luulyo, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Guddoomiyaha ku-meelgaarka ah ee Golaha Shacabka, madax ka socota dowlad-goboleedyada dalka iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo isugu jira saraakiil amni, ilaalada madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, ay gaareen magaalada si ay u diyaariyaan amniga iyo qabanqaabada booqashada Madaxweynaha.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ku-meelgaarka ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta gaartay Baydhabo iyadoo hoggaamineysa wafdi xildhibaanno ah. Garoonka diyaaradaha magaalada waxaa ku soo dhoweeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sacdiyo Yaasiin ayaa ka mid noqon doonta masuuliyiinta dowladda federaalka ee ka qeyb geli doona munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa Baydhabo gaaray masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

Saaka waxaa hawada magaalada Baydhabo lagu arkayay diyaarado dagaal oo dulmarayay magaalada, kuwaas oo la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin qorshaha lagu sugayo ammaanka munaasabadda caleemo-saarka iyo booqashada madaxda sare ee dowladda federaalka iyo martida kale ee magaalada ku wajahan.

Ciidamada ammaanka ayaa sare u qaaday feejignaanta magaalada, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay ilaalinta xarumaha dowladda, waddooyinka waaweyn, garoonka diyaaradaha iyo goobta lagu qabanayo munaasabadda, maadaama Baydhabo ay martigelinayso masuuliyiin sar-sare oo ka kala imanaya gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan ku jirta jawi mashquul badan oo la xiriira soo dhoweynta madaxda iyo diyaarinta munaasabadda caleemo-saarka, iyadoo la filayo in maalinta berri ay noqoto mid si weyn indhaha loogu hayo, maadaama ay kulmineyso madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

RW Xamsa oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada xoogga

Laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku...

Trump oo ka hadlay Aaska Cali Khamenei

Shabakadda wararka ee Axios ayaa soo xigatay Madaxweynaha Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles