Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada xoogga

Laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad, kuwaas oo ku sugan deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan.

Labada xubnood ee isa soo dhiibay ayaa lagu kala magacaabaa Ibraahim Maxamuud Maxamed iyo Cabdikariin Amiin Nuur, kuwaas oo la sheegay inay hore uga tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad, Laba Xiddigle Xuseen Xasan Shiiraar, ayaa warbaahinta u soo bandhigay labada xubnood, isagoo sheegay inay si iskood ah isu soo dhiibeen, isla markaana ay hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka soo baxda kooxda, kana tanaasusha fikirka iyo falalka lidiga ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Isu soo dhiibidda labadan xubnood ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sare u qaadeen howlgallada ka socda gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo firxadka iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles