Tuesday, July 7, 2026

Sucuudiga oo la wareegay hoggaanka Golaha Badda Cas Soomaaliya-na kala hadlay amniga marin-biyoodka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay in ay dowladda Soomaaliya kala hadashay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga marinnada biyaha caalamiga ah, xorriyadda isu socodka iyo badbaadada maraakiibta mara Badda Cas iyo gacanka ku xeeran.

Sucuudiga ayaa haatan si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Golaha Dalalka ku Teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya, Masar, Jabuuti, Eritrea, Jordan, Sudan iyo Yemen.

Golahaasi oo la aas-aasay sanadkii 2020 ayaa muddooyinkii dambe la daalaa dhacayay khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeyay Sucuudiga iyo Masar, kuwaas oo la xiriiray xarunta ururka iyo cidda hoggaaminaysa, arrintaas oo hoos u dhigtay waxtarkiisa iyo saameyntiisa gobolka.

Wararka la xiriira dib u firfircoonida golahan ayaa muujinaya in Riyadh ay hadda waddo dadaal ay ku doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto ajandaha amniga Badda Cas, xilli gobolka uu wajahayo tartan xooggan oo saameyn iyo istaraatiijiyad badeed ah.

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid meesha ka saaraysa saameyntii Imaaraadka Carabta ee marin-biyoodka muhiimka ah, iyadoo Abu Dhabi ay ka muujisay caro ku aaddan jihada cusub ee golaha.

Xiisaddan cusub ee ka dhex muuqata quwadaha Khaliijka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu sii xoogeysanayo iskaashi kale oo ay qeyb ka tahay Itoobiya, taasoo ka dhigaysa Badda Cas iyo marinadeeda goob uu ka socdo loollan siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo sii ballaaran.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeer ku sameeyay ciidamada Shabeellada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha...

Booliska Kenya oo adkeeyay ammaanka Nairobi ka hor dibadbaxyada iyo Baarlamaanka oo la hareereeyay

Booliska Kenya ayaa dhigay xannibaado iyo baro kontorool waddooyinka...

Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay...

IMO oo qaylo-dhaan ka dirtay markab ay burcad-badeed ku haystaan xeebaha Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa walaac xooggan...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ciidamada cirka Ruushka ayaa sheegay ‘’yaraansho daran’’ oo gantaalada...

Trump oo Turkiga dib ugu furaya waddadii F-35, xilli Netanyahu ka digay

Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa inuu toddobaadkan Madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles