Iran oo weerar saldhigyada Mareykanka ee Kuwait iyo Baxreyn

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal wadajir ah oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kaas oo lagu bartilmaameedsaday 85 goobood oo la sheegay inay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo muhiim u ah Mareykanka.

IRGC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarradaasi ay si gaar ah u beegsadeen saldhigga Ciidamada Badda Mareykanka ee Fifth Fleet ee dalka Baxreyn iyo saldhigga cirka ee Cali Al-Salem ee dalka Kuweyt.

Iran waxay sheegtay in weerarkan uu yahay “jawaabtii ugu horreysay” ee ay ka bixinayso waxa ay ku tilmaantay xadgudub uu Mareykanku ku sameeyay xabbad-joojinta iyo heshiiska Islamabad, kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay weerareen saldhigyo xeebeedyo iyo goobo rayid ah oo ku yaalla gobollada Hormozgan iyo Mahshahr ee dalka Iran.

Sidoo kale, IRGC ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu weerarradaasi ku beegay xilli dalka Iran uu ka socday aaska hoggaamiyihii sare ee la dilay, iyadoo sheegtay in Washington ay doonaysay inay hadheeyso ama hoos u dhigto muhiimadda munaasabaddaasi oo ay ku tilmaantay “dhacdo taariikhi ah.”

Weerarkan cusub ayaa sare u sii qaadaya xiisadda ka dhex aloosan Iran iyo Mareykanka, iyadoo gobolka uu wajahayo cabsi laga qabo in dagaalku isu beddelo isku dhac ballaaran oo saameeya dalal badan oo Bariga Dhexe ah.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles