Wednesday, July 8, 2026

Iran oo weerar saldhigyada Mareykanka ee Kuwait iyo Baxreyn

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal wadajir ah oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kaas oo lagu bartilmaameedsaday 85 goobood oo la sheegay inay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo muhiim u ah Mareykanka.

IRGC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarradaasi ay si gaar ah u beegsadeen saldhigga Ciidamada Badda Mareykanka ee Fifth Fleet ee dalka Baxreyn iyo saldhigga cirka ee Cali Al-Salem ee dalka Kuweyt.

Iran waxay sheegtay in weerarkan uu yahay “jawaabtii ugu horreysay” ee ay ka bixinayso waxa ay ku tilmaantay xadgudub uu Mareykanku ku sameeyay xabbad-joojinta iyo heshiiska Islamabad, kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay weerareen saldhigyo xeebeedyo iyo goobo rayid ah oo ku yaalla gobollada Hormozgan iyo Mahshahr ee dalka Iran.

Sidoo kale, IRGC ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu weerarradaasi ku beegay xilli dalka Iran uu ka socday aaska hoggaamiyihii sare ee la dilay, iyadoo sheegtay in Washington ay doonaysay inay hadheeyso ama hoos u dhigto muhiimadda munaasabaddaasi oo ay ku tilmaantay “dhacdo taariikhi ah.”

Weerarkan cusub ayaa sare u sii qaadaya xiisadda ka dhex aloosan Iran iyo Mareykanka, iyadoo gobolka uu wajahayo cabsi laga qabo in dagaalku isu beddelo isku dhac ballaaran oo saameeya dalal badan oo Bariga Dhexe ah.

WARARKII KALE

Trump oo ku dhawaaqay in heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan uu burburay

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in...

Cali Balcad oo ka hadlay xayiraadda fiisaha Midowga Yurub: “Arrintu kuma xirna eVisa-da Soomaaliya”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali...

Booliska Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan Burcadnimo hubeysan

Ciidanka Saldhigga Booliska Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay eedeysane...

DF iyo Mucaaradka oo maanta markale isugu laabanaya wada-hadallada doorashooyinka

Waxaa saaka magaalada Muqdisho markale kulan ku yeelanaya guddiyada...

Masar oo si adag u cambaareysay weerarrada Iran ku qaaday Kuwait iyo Bahrain

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay...

Soomaali ku xiran Hindiya oo qirtay dambiyo burcad-badeednimo

Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles