Wednesday, July 8, 2026

Booliska Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan Burcadnimo hubeysan

Ciidanka Saldhigga Booliska Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Caydiid Maxamed Cali, oo 28 jir ah, kana soo jeeda isla markaana deggen xaafadda Daarusalaam ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal isugu jira isbaaro, dhac iyo dhaawac loo geystay dad rayid ah iyo gaadiid marayay waddada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Dagaari.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay saldhigga Booliska Gaalkacyo, eedeysanaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu jidka u galay gaari xamuul ah, halkaasna uu dhac iyo dhaawac ugu geystay dhibane lagu magacaabo Sharmaake Cabdi Xersi, oo ahaa kirishbooy saarnaa gaarigaasi.


Wararka ayaa sheegaya in dhibanaha rasaas lagu furay, taasoo sababtay dhaawac soo gaaray.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerar kale oo dhacay 19-kii June 2026, xilli abbaaro 3:00 habeenimo ah rasaas lagu furay gaari xamuul ah oo marayay aaggaasi.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa ka dhacay baadiyaha Daarusalaam, halkaas oo ciidamada ay gaareen kadib markii shacabka deegaanka ay ku wargeliyeen inuu halkaasi ku dhuumaaleysanayo.


Booliska ayaa sheegay in markii uu arkay ciidamada, eedeysanuhu uu rasaas furay isagoo isku dayayay inuu baxsado.
Ciidanka Booliska, oo watay waaranka soo qabashada, ayaa la sheegay inay si geesinimo, xirfad iyo feejignaan leh uga falceliyeen weerarka, ugu dambeyntiina ay ku guuleysteen inay nolosha ku qabtaan eedeysanaha, iyadoo aysan wax dhaawac ah soo gaarin.


Eedeysanaha ayaa hadda ku xiran Saldhigga Booliska Gaalkacyo, waxaana socda baaritaanno la xiriira dhacdadan iyo falal kale oo lagu tuhunsan yahay. Booliska ayaa sheegay in marka baaritaannadu soo dhammaadaan loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo waafajiyo.
Saldhigga Booliska Gaalkacyo ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shacabka magaalada wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga, iyagoo xusay in cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah amniga la soo qaban doono meel kasta oo ay joogto.

WARARKII KALE

Trump oo ku dhawaaqay in heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan uu burburay

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in...

Cali Balcad oo ka hadlay xayiraadda fiisaha Midowga Yurub: “Arrintu kuma xirna eVisa-da Soomaaliya”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali...

DF iyo Mucaaradka oo maanta markale isugu laabanaya wada-hadallada doorashooyinka

Waxaa saaka magaalada Muqdisho markale kulan ku yeelanaya guddiyada...

Masar oo si adag u cambaareysay weerarrada Iran ku qaaday Kuwait iyo Bahrain

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay...

Soomaali ku xiran Hindiya oo qirtay dambiyo burcad-badeednimo

Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa...

Iran oo weerar saldhigyada Mareykanka ee Kuwait iyo Baxreyn

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles