Trump oo ku dhawaaqay in heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan uu burburay

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Heshiiska Isfahamka ee lala galay Tehran uu dhammaaday, laakiin wadahadalladu ay sii wadi karaan wadahadallada haddii ay rabaan, ka dib markii Mareykanka iyo Iiraan ay is dhaafsadeen duqeymo ka dhacay Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor la hadlay weriyaasha, isagoo kulan la yeeshay xoghaya guud ee NATO.
Markii wax laga weydiiyay xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, Donald Trump wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay dhammaatay.”

“Ma doonayo inaan mar dambe la macaamilo iyaga, waa dad aan wanaagsanayn.”ayuu sii raaciyay.
Wuxuu intaas ku daray: “Aniga aragtidayda, way dhammaatay. Waa waqti lumis in lala macaamilo iyaga, waa beenaalayaal.”
Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay ka dib hadalladiisii, oo laga jeediyay shirkii NATO ee Turkiga.

Weerarrada oo sii kordhaya: Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay inay weerareen bartilmaameedyada militariga Mareykanka ee Baxrayn iyo Kuwait ka dib markii Mareykanku uu bilaabay weerarro isagoo sidoo kale dib u soo rogay cunaqabatayn ku saabsan iibka saliidda Iiraan, ka dib weerarro lagu qaaday maraakiibta u dhow Marinka Hormuz

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles