Tuesday, April 28, 2026

Israa’iil oo 19 qof ku dilshay Koonfurta Qasa

Ugu yaraan 19 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 carruur ah, ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil habeenkii xalay ahaa ka fuliyeen koonfurta Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka maxalliga ah.

Wararka ayaa sheegaya in hooyo iyo afarteeda carruur ah lagu dilay markii xero barakacayaal oo ku taal al-Mawasi la duqeeyay. Sidoo kale, qoys kale oo isugu jiray waalid iyo carruurtooda ayaa ku naf waayay magaalada ku dhow ee Khan Younis.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro dhowr ah oo lagu beegsanayay dagaalyahanada Xamaas ee ka qeyb qaatay weerarkii 7-dii October 2023 ee ka dhanka ahaa Israa’iil, kaas oo sababay dagaalka Qasa.

Duqeymo dhimasho sababay ayaa sidoo kale laga soo sheegay bartamaha iyo waqooyiga Qasa, halkaas oo wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay sheegtay in guud ahaan 51 qof lagu dilay Qasa 24-kii saac ee la soo dhaafay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles