Saturday, July 18, 2026

Fahiima Quuje oo Is-casishay, kuna biirtay Soomaaliland 

Xildhibaanad Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo ka tirsanayd Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari  ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Baarlamaanka iyo xilkii ay ka haysay maamulkaas, iyadoo sheegtay inay ka tanaasushay mowqifkii ay hore uga qaadatay qaddiyadda Waqooyi Bari, isla markaana ay dib ugu laabanayso Somaliland oo ay ka baxday sanadkii 2023.

Qoraal ay soo saartay ayay Fahiima Quuje ku sheegtay inay go’aansatay inay joojiso dhammaan masuuliyadihii ay ka haysay Waqooyi Bari, isla markaana ay ku biirayso dhinaca Somaliland.

Fahiima Quuje ayaa hore door muuqda uga qaadatay halgankii ay Waqooyi Bari kaga hortimid maamulka Somaliland ee ka dhacay magaalada Laascaanood, hase yeeshee muddooyinkii dambe waxay si joogto ah u dhaliilaysay maamulka Waqooyi Bari ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa 10-kii Luulyo 2026 Golaha Wakiillada u gudbiyay codsi ku saabsan in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si loogu soo taago maxkamad dacwad loo haysto.

Golaha ayaa qorsheeyay in 18-ka Luulyo 2026 la horgeeyo mooshinka xasaanad ka qaadista xildhibaannada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Fahiima Quuje ay ka baxday deegaannada Waqooyi Bari ka hor inta aan la guda gelin arrinta xasaanad ka qaadista, iyadoo la sheegay inay u baxday Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo bartilmaameedsaday buundooyin ku yaalla Iran

Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hormozgan ee Iran ayaa shaaciyay in...

Mareykanka oo loogu baaqay in la soo Afjaro Duqeymaha Soomaaliya

Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista Mudnaanta...

Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab Shidaal oo Marayay Xeebaha Yemen

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa Jimcihii afduubtay markab shidaal oo...

Ciidanka Xoogga oo gaaray Duleedka Degmada Jilib

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in...

Iiraan oo Digniin u Dirtay Dalalka Martigeliya Ciidamada Mareykanka

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles