Fahiima Quuje oo Is-casishay, kuna biirtay Soomaaliland 

Xildhibaanad Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo ka tirsanayd Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari  ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Baarlamaanka iyo xilkii ay ka haysay maamulkaas, iyadoo sheegtay inay ka tanaasushay mowqifkii ay hore uga qaadatay qaddiyadda Waqooyi Bari, isla markaana ay dib ugu laabanayso Somaliland oo ay ka baxday sanadkii 2023.

Qoraal ay soo saartay ayay Fahiima Quuje ku sheegtay inay go’aansatay inay joojiso dhammaan masuuliyadihii ay ka haysay Waqooyi Bari, isla markaana ay ku biirayso dhinaca Somaliland.

Fahiima Quuje ayaa hore door muuqda uga qaadatay halgankii ay Waqooyi Bari kaga hortimid maamulka Somaliland ee ka dhacay magaalada Laascaanood, hase yeeshee muddooyinkii dambe waxay si joogto ah u dhaliilaysay maamulka Waqooyi Bari ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa 10-kii Luulyo 2026 Golaha Wakiillada u gudbiyay codsi ku saabsan in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si loogu soo taago maxkamad dacwad loo haysto.

Golaha ayaa qorsheeyay in 18-ka Luulyo 2026 la horgeeyo mooshinka xasaanad ka qaadista xildhibaannada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Fahiima Quuje ay ka baxday deegaannada Waqooyi Bari ka hor inta aan la guda gelin arrinta xasaanad ka qaadista, iyadoo la sheegay inay u baxday Somaliland.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Madasha Samatabixinta...

Guddoomiye Jaamac oo shaki geliyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

DFS oo hub iyo ciidamo hor leh u daabulaysa KGS kadib guulaha Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub iyo...

Obama oo difaacay Ilhaan Cumar

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa si cad...

Ilaalada Kacaanka Iran oo hanjabaad u dirtay Trump iyo Netanyahu

Saacad ka dib markii Donald Trump uu sheegay inuu...

Masar oo oggolaatay inay Sacuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

Mas’uul sare oo dhanka amniga ah oo u dhashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles