Saturday, July 18, 2026

Mareykanka oo loogu baaqay in la soo Afjaro Duqeymaha Soomaaliya

Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista Mudnaanta Difaaca (Defense Priorities), oo xarunteedu tahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa ku doodday in sababta Mareykanku u sii wado duqeymaha cirka iyo howlgalka militari ee Soomaaliya aysan ku saleysneyn khatar toos ah oo ka dhan ah gudaha Mareykanka. Warbixintu waxay ku baaqday in si tartiib tartiib ah loo soo afjaro faragelinta militari ee Mareykanka ka wado Soomaaliya. 

Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee Soomaaliya aysan muujin awood ama qorshe ay ku fuliyaan weerarro waaweyn oo khatar ku ah Mareykanka.

Sida lagu sheegay, labada kooxood waxay inta badan diiradda saaraan dagaalka ka socda gudaha Soomaaliya, halka duqeymaha iyo taageerada militari ee Mareykanku aysan weli horseedin in si buuxda loo wiiqo awooddooda.

Cilmi-baare sare oo ka tirsan xarunta Mudnaanta Difaaca, William Walldorf, ayaa sheegay in Mareykanku uu dano amni iyo istaraatiiji ah oo kooban ku leeyahay Soomaaliya, isagoo ku dooday in howlgalka hadda socda uusan si buuxda ula jaanqaadeyn danahaas.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Soomaaliya aysan halis toos ah ku ahayn gudaha Mareykanka, isla markaana ay suurtagal tahay in howlgalka militari ee joogtada ahi uu sii huriyay colaadda halkii uu soo afjari lahaa.

Qiimeyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu sare u kacay tirada duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya. Sida uu sheegay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaa sanadkan la fuliyay ku dhowaad 80 duqeyn, kaddib ku dhowaad 125 weerar oo dhacay sannadkii hore.

Kororkaasi wuxuu yimid kadib markii Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu sanadkii hore siiyay taliyeyaasha AFRICOM awood dheeraad ah oo ay ku go’aamin karaan weerarrada cirka.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in saameynta duqeymahaasi aanay weli si cad u wiiqin Al-Shabaab.

Waxay xustay in kooxda ay sameysay horumar dhuleed oo muuqda sanadkii 2025, iyadoo dib u hanatay deegaanno ay dowladdu hore uga qabsatay. Inkasta oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib u xoojiyeen amniga hareeraha Muqdisho, haddana qaybo badan oo bartamaha dalka ah ayaa weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Gabagabadii, xarunta Mudnaanta Difaaca ayaa ku talisay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu muddo bilo gudahood ah si tartiib tartiib ah u soo afjaro howlgalka militari ee Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo dalalka gobolka iyo saaxiibbada kale ee Soomaaliya.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in kharashka howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uu gaarayo boqolaal milyan oo doollar, inkastoo Wasaaradda Difaaca Mareykanka aysan weli si rasmi ah u shaacin tirada saxda ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo bartilmaameedsaday buundooyin ku yaalla Iran

Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hormozgan ee Iran ayaa shaaciyay in...

Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab Shidaal oo Marayay Xeebaha Yemen

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa Jimcihii afduubtay markab shidaal oo...

Ciidanka Xoogga oo gaaray Duleedka Degmada Jilib

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in...

Fahiima Quuje oo Is-casishay, kuna biirtay Soomaaliland 

Xildhibaanad Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo ka tirsanayd Baarlamaanka...

Iiraan oo Digniin u Dirtay Dalalka Martigeliya Ciidamada Mareykanka

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles