Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Baarlamaanka dalkaas codsi uu ku dalbanayo in laba sano lagu kordhiyo muddada ay ciidamada Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Qoraalka codsiga ayaa lagu sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin guud ahaan Geeska Afrika, isla markaana kordhinta muddada howlgalka ay u saamaxeyso ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta iyo khataraha kale ee amniga.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale xustay inay tan iyo sanadkii 2011 si joogto ah ula shaqeyneysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo bixisay tababar ciidan, latalin iyo taageero farsamo oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Codsiga ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Turkiga ka codsatay inuu sii wado taageerada dhinaca militariga, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga biyaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Haddii Baarlamaanka Turkigu ansixiyo codsigan, muddada oggolaanshaha ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa laba sano oo kale la kordhin doonaa marka uu dhammaado waqtiga hadda jira ee ku eg 27-ka Luulyo 2026.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles