Wednesday, June 24, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir uga qayb galay magaalada Kampala ee Uganda

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda. Shirka ayaa loogu diyaar garoobayay shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco isla magaalada Kampala.

Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamse Xaadow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Shirka maanta ayaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika ee tobanka sano ee soo socda (2026–2035). Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadidda wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.

Shirkan oo galay maalintii labaad ayaa shalay waxaa ka qayb galay Wasiirrada Beeraha ee dalalka Afrika, kuwaas oo sidoo kale dood muhiim ah ka yeeshay mustaqbalka beeraha qaaradda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles