Saturday, March 15, 2025

Sacuudiga oo ku baaqay in Suuriya laga qaado cunaqabateynta saran

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa   ku baaqay in la qaado Suuriya, kuwaas oo “hakiyay” horumarka iyo dib-u-dhiska dalkaas, isagoo ka hadlayay dhamaadka kulammada ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Carabta iyo Yurub ee magaalada Riyadh, kuwaas oo diiradda saaray mustaqbalka dalkan dagaalku saameeyay.

Faysal Bin Farhan ayaa shir jaraa’id ku sheegay arrintaasi kadib laba kulan oo midna oo heer Carab iyo caalami ah.

Ka qaybgalayaasha kulamada ay soo dhaweeyey “tallaabooyinka wanaagsan ee ay qaaday maamulka cusub ee Suuriya ee dhinaca ilaalinta hay’adaha dowladeed, qaadashada habka wadaxaajoodka ee dhinacyada Suuriya, iyo u heellanaanta la dagaallanka argagixisada iyo bilaabidda habka siyaasadeed ee ay ka qayb qaadanayaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya.”

Wasiirka Sacuudiga ayaa xoojiyay in “mustaqbalka Suuriya uu yahay mas’uuliyad u gaar ah dadka Suuriya,” isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado bixinta taageerooyinka kala duwan ee dhinacyada gargaarka bini’aadamnimo iyo dhaqaalaha, gaar ahaan dhanka dhisidda awoodaha dowlada Suuriya, gaarista xasillooni iyo dib-u-dhis, iyo diyaarinta deegaan ku habboon soo laabashada qaxootiga Suuriya.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 14/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Suudaan oo iska diiday qorsho uu waday Mareykanka

Sida ay shaacisay wakaalad wararka AP Mareykanka iyo Israa’iil...

Itoobiya iyo Ruushka oo ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan dhinaca ciidamada badda

Wafdi uu hoggaaminayo taliye ku xigeenka ciidamada badda Ruushka...

Weerar lagu qaaday Askar ka tirsan Kenya

Kooxa hubeysan ayaa Xaduudka magaaloyinka Baladxaawo iyo Mandhera ku...

Qoor qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor...

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles