Monday, August 17, 2026

DFS oo war ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray xaaladda amni iyo dagaalka maanta ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Taliska ayaa sheegay in ciidamadiisu ay fashiliyeen weerar ay ku tilmaameen mid ay maleeshiyaad Khawaarij ah kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, isagoo xusay in weerarku dhacay xilli magaalada iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay ka socdeen diyaar-garowyo dhinaca amniga ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa muddooyinkii dambe damacsanaa inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda uga feejignaayeen dhagarta iyo isku dayada cadawga, isla markaana ay Khawaarijta la gaarsiiyeen jab xooggan oo sababay khasaaro naf iyo maal ah.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war-saxaafadeedka in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday lagu qasbay inay goobihii ay dagaallamayeen ka tagaan, iyadoo hub iyo gaadiid laga qabsaday.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono weerarka iyo khasaaraha Khawaarijta soo gaaray marka xogta laga helo goobta ay soo dhammaato.

Dhinaca kale, Taliska ayaa shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn, isla markaana garab istaagaan ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka.

Xaaladda Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo warar kala duwan laga helayo dagaalka iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ee magaalada iyo duleedkeeda.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

Xamaas oo farriin u dirtay Trump iyo waxa ay doonayaa

Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles