Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo ay maleeshiyaad ay ku tilmaantay inay isugu jiraan Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo.
Sida ay Wasaaraddu sheegtay, weerarka waxaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, balse ciidamada dowladda ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarka, iyagoo ka hortagay isku daygii lagu qalqal gelinayay amniga magaalada.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in intii uu socday dagaalka lagu dilay ku dhowaad 30 maleeshiyaad ah, halka qaar kale nolol lagu qabtay. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wada hawlgallo amni oo ka socda gudaha Baydhabo, kuwaas oo lagu sheegay in lagu baacsanayo maleeshiyaad laga yaabo inay ku dhuumaaleysanayaan qeybo ka mid ah magaalada.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto faahfaahin dheeraad ah iyo natiijada kama dambaysta ah ee hawlgalka marka uu soo gabagaboobo.


