Wednesday, August 19, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiiro Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.

Safiirrada cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1-Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya

2-Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil

3-Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya

4-Danjire Dr. Madou Diallo – Mali

5-Danjire Aung Min Oo – Myanmar

6-Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria

7-Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

WARARKII KALE

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Sharciga Iibka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur...

Ciidan iyo Saraakiil Somaliland ka tirsanaa oo ku biiray Maamulka Waqooyi Bari

Ciidan iyo saraakiil hore uga tirsanaa Somaliland ayaa la...

Guddoomiye Jaamac oo digniin culus u diray xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada BF

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

Koofur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo...

Gaadiid Dhuxul Siday oo Lagu Gubay Waddada Wanlaweyn iyo Afgooye

Wararka laga helayo waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles