Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Galmudug ayaa ku guuleystay inay kala dhex galaan maleeshiyaad beeleed ku dagaalamay xaafadda Buula Baclay ee magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada NISA ayaa kala qaaday dhinacyadii iska horimaadku dhex maray, iyagoo soo afjaray dagaalka oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada ayaa sidoo kale dadaal ugu jira xasilinta xaaladda iyo ka hortagga in dib uu u qarxo dagaal u dhexeeya dhinacyadii dirirtu dhex martay.


