Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka amniga Dowladda Koonfur Galbeed kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dadaallada looga hortagayo falalka guracan ee Khawaarijta Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan shacabka.
Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga, iyo sidii ciidamada ammaanka loogu diyaarin lahaa ka hortagga weerarrada iyo falalka argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka iyo goobaha muhiimka ah.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha amniga in ay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka, isaga oo ku boorriyey bulshada in ay si dhow u la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortagga falalka amni-darrada.
Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha hay’addaha amniga, gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada.


