Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab geysay magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran, si loo xoojiyo amniga magaalada.
Tallaabadan ayaa timid kaddib weerarro soo noqnoqday oo ay maleeshiyaad taabacsan hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo saldhigyo ku leh duleedka Baydhaba, ku qaadeen magaalada.
Sidoo kale, magaalada Baydhaba ayaa marar kala duwan waxaa weerarro ka fuliyay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, taas oo keentay in dowladda federaalku kordhiso ciidamadeeda iyo baraha koontarool ee magaalada.
Laftagareen ayaa weli sheeganaya inuu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay 30-kii Maarso 2026 ka saareen magaalada Baydhaba.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Laftagareen.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen gaadiid gaashaaman oo laga qabsaday maleeshiyaadka Laftagareen, kuwaas oo sida ay dowladdu sheegtay horey uga soo dhacay gacanta Al-Shabaab.
Xoojinta ciidamada iyo kordhinta baraha amniga ayaa hadda ka muuqata gudaha Baydhaba iyo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyadoo dowladda ay sheegtay in tallaabooyinkan looga gol leeyahay sugidda amniga shacabka iyo ka hortagga weerarrada.


