Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwad la xiriirtay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Maxkamaddu, kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada dacwadda, isla markaana ay qiimeysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay, waxay go’aamisay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan lahayn jiritaan sharci ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada Galmudug, iyadoo la dhowrayo Dastuurka, Sharciga Doorashooyinka iyo xeerarka khuseeya.
Dhanka kale, iyadoo la tixgelinayo danta guud iyo joogtaynta adeegga dowladnimo, Maxkamaddu waxay amartay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalka inta laga helayo kuwa ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.


