Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada, kaddib 47 sano. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan maalgashiga shisheeye, isla markaana Suuriya dib loogu daro dhaqaalaha caalamka.
Kadib markii Suuriya laga saaray liiska Maraykanka, waxaa hadda liiskaas ku haray oo keliya saddex dal: Iiraan, Kuuriyada Waqooyi iyo Cuba.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in tallaabadan, oo dhaqan gashay Isniintii, markii ugu horreysayna la soo jeediyay bishii Luulyo ee sannadkii hore, ay Suuriya siinayso “waddo ay ku gaarto barwaaqo.”
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Besant, ayaa sidoo kale yiri: “Tallaabadan maanta la qaaday waxay gacan ka geysan doontaa soo jiidashada maalgashi dheeraad ah oo Suuriya lagu sameeyo, taas oo xoojinaysa xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale.”
Maamulka Trump ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Suuriya, Ahmed al-Sharaa, oo hore u ahaa dagaalyahan hubaysan, isla markaana mar uu Maraykanku dul dhigay abaalmarin lacag ah madaxiisa sababo la xiriiray hoggaamintiisa koox xiriir la lahayd Al-Qaacida.
Sannadkii hore, Maraykanku wuxuu sidoo kale kooxda Islaamiga ah ee Tahrir al-Sham, oo uu hoggaamiyo Ahmed al-Sharaa, ka saaray liiska kooxaha argagixisada.
Dabayaaqadii 2024, Jabhadda Tahrir al-Sham ee uu hoggaaminayay ayaa hoggaamisay weerar ballaaran oo ka dhan ahaa ciidamada Bashar al-Assad, kaas oo ugu dambayn sababay in xukunka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar al-Assad.


