Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si kulul uga hadlay muranka ka taagan dhulalka magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka la xiriira dukumentiyada iyo lahaanshaha guryaha iyo dhulalka.

Guddoomiye Jaamac ayaa sheegay in si adag loola xisaabtamo nootaayooyinka lagu helo inay sameeyaan khaladaad ama ay ku lug yeeshaan arrimo la xiriira murannada dhulka.

“Waa in si adag loola xisaabtamaa nootaayooyinka khaladaadka sameeya oo la arko iyagoo Maxkamad taagan,” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka hoy la’aanta ah lala wadaago xogtooda, si loo ogaado xaaladdooda loona helo xal waara oo wax looga qabanayo dhibaatada haysata.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan yihiin muranno badan oo la xiriira dhulalka, iyadoo ay jiraan cabashooyin kasoo baxaya bulshada oo ku saabsan lahaanshaha, iibinta iyo dukumentiyada dhulka.

Guddoomiye Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si adag loola xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelata khaladaad iyo wax isdaba-marin la xiriirta arrimaha dhulka.

WARARKII KALE

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada

Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada,...

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Saldhigyo Ciidan iyo Xarumo Drones

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in saddex magaalo oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles