MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir heer caalami ah oo ka dhacaya Serbia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u ambabaxo dalka Serbia, halkaas oo uu kaga qayb geli doono kulan heer caalami ah oo lagu xusayo 65-guuradii shirkii ugu horreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement).

Kulankan oo lagu qabanayo magaalada Belgrade ayaa isu keeni doona madax iyo wakiillo sare oo ka socda dalal kala duwan, iyadoo Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, uu martigelinayo wafdiyada ka qaybgalaya munaasabadda.

Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xuska taariikhda iyo doorkii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga ahayn, iyo arrimo la xiriira iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirka dalalka ka qaybgalaya.

Inta uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sugan yahay Serbia, waxaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho dhiggiisa Serbia, Aleksandar Vučić, iyadoo kulanka labada Madaxweyne lagu wado in looga hadlo xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Serbia.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa sanadihii dambe kordhiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyadoo labada dhinac ay horey uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo kala duwan ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Serbia kadib u sii gudbi doono dalka Switzerland, halkaas oo la filayo inuu ka qayb galo kulamo kale oo la xiriira hawlaha diblomaasiyadeed iyo xiriirka caalamiga ah.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Serbia ayaa ku soo beegmaysa xilli Muqdisho ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Yurub iyo kuwa kale ee caalamka, iyadoo dowladda Federaalka ay xoogga saareyso iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

WARARKII KALE

Deni oo Boosaaso kula kulmay saraakiil ka socotay Africom

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada...

Yemen” Xasilloonida Soomaaliya iyo Yemen waa laf-dhabarta amniga Badda Cas”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba,...

Istanbul oo Martigelinaysa shirka Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Magaalada Istanbul waxaa maanta oo Isniin ah ay martigelinaysaa...

Soomaaliya oo Dalalka Carabta ugu Baaqday inay Ka Hortagaan Aqoonsiyo Kale oo la siiyo Somaliland

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Mareykanka oo weeraray qalabka gantaallada laga rido ee Iiraan oo ku yaala jasiiradda Larak

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ku qaaday laba xarumood oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles