Mareykanka iyo Iraan oo is-weydaarsaday duqeymo

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay duqeymo lagu qaaday goobo ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), kuwaas oo ay ku jireen difaaca cirka, radarro, qalabka ciidamada badda iyo xarumaha isgaarsiinta. Mareykanku wuxuu sheegay in weerarradu jawaab u ahaayeen isku dayo lagu weeraray maraakiibta ganacsiga ee maraya Gacanka Hormuz iyo ciidamada Mareykanka.

Iraan ayaa dhankeeda sheegtay in duqeymaha Mareykanka ay sababeen dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, oo ay ku jiraan dad ku sugnaa xaflad aroos. Dhanka kale, IRGC waxay sheegay inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarayn saldhigyo iyo xarumo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Jordan.

Is-weydaarsiga weerarrada ayaa sii kordhiyay xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran, iyadoo Gacanka Hormuz uu weli yahay goobta ugu weyn ee iska horimaadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo dhambaal hambalyo ah ka gudoomay jabuuti

Hoggaamiyaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Beesha Caalamka oo dhex-dhexaadinaya heshiiska doorashada, Deni iyo Axmed Madoobe oo amnigooda la sugayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaxiibbada caalamiga ah...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo...

Shiinaha ayaa beeniyay in ay basaaseen madaxa shirkadda Nvidia

Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay eedeymo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles