Tuesday, July 14, 2026

Madaxweynaha hirshabelle oo Daah-furay Mashruuca Daryeelka Bulshada Nugul Qeybtii-2aad

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Gudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirrada shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya iyo Hirshabeelle Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan iyo Cabdifataax Xasan Faarax ayaa daah-furay mashruuca daryeelka bulshada nugul qeybtiisa 2-aad.

Mashruucan ayaa loogu talogalay carruurta yar yar iyo hooyada uurka leh waxana uu ka hirgeli doonaa guud ahaan Hirshabeelle iyadoo iska kaashanayaan Dowladda Soomaaliya, Hirshabeelle, UNICEF iyo DRC.

“Carruurta iyo Hooyada waa kuwa ugu nugul ee maanta garabka u baahan. Mashruucan aan daah-furay waxaan rajeynaa inuu si siman u gaaro haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dhinacyada kasoo shaqeeyay hirgelinta mashruuca lagu taageerayo bulshada nugul oo ay ka faa’ideysan doonaan 5,750 qoys waxana uu socon doonaa muddo 3-sanno ah.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Doha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta...

Shir Looga Hadlay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Muqdisho Lagu Qabtay

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure,...

Trump oo ka laabtay lacagihii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz

Donald Trump ayaa ka sheegay bartiisa Truth Social inuu...

Ingiriiska oo Maraykanka kala hadlay Canshuuraha Marinka Hormuz

Xooghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, Yvette Cooper, ayaa sheegtay inay...

DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles