Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada Muqdisho ayaa hadal xasaasi ah ka jeediyay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, isagoo sheegay in cid kasta oo la dagaallanta dowladda uu ku tilmaamay “dowladda sharciga ah” loo aqoonsan karo argagixiso, islamarkaana ay mudan tahay in la dilo.
Sheekh Wajiis ayaa yiri“Waa waajib in la dilo cid kasta oo dowladda sharciga ah la dagaallanta, waana argagixiso.”
Waxa uu sidoo kale sheegay in kooxaha uu ku tilmaamay inay ka horjeedaan dowladnimada ay yihiin “falaago”, isagoo sheegay in lagu xukumi karo xukunka argagixisada.
“Cid kasta oo dowladnimada jirta la dagaallamaysa waa falaago, argagixisada ayay la xukun tahay, waana dil aan shaki lahayn.”
Hadalladan ayaa Sheekh Cali Wajiis uu jeediyay xilli ay hortiisa fadhiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Cadaaladda iyo Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ay hadda ku jirto xaalad uu ku tilmaamay is-difaac, balse uu ku baaqay in ay ka baxdo difaaca oo ay weerarro ku qaaddo dhinacyada ay dowladda u aqoonsan tahay argagixisada iyo kooxaha kale ee uu ugu yeeray “falaago”.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo laba habeen ka hor la sheegay in duqeyn diyaaradeed lala beegsaday guriga uu deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) iyo qoyskiisa, kuwaas oo sida la sheegay ka badbaaday weerarka, balse ay jiraan dhaawacyo soo gaaray.
Hadallada Sheekh Cali Wajiis ayaa durba dhalin kara dood xooggan oo ku saabsan xadka u dhexeeya fatwada diimeed, siyaasadda iyo isticmaalka awoodda dowladda, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo amni.


