Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dambeysay howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ka sameeyeen deegaanka.
Intii uu socday howlgalka, waxaa la sheegay in lagu burburiyay koox miinooyin dhigayay oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku howllanaa diyaarinta iyo dhigidda miinooyin iyo waxyaabaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayay waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada joogtada ah ee ciidamada Danab iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka wadaan deegaannada Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu wiiqayo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo isu-socodka bulshada.
Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka.


