Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegatay inay weerartay Maraakiib

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanku ay weerareen “laba markab oo Maraykan ah iyo siddeed markab oo ah nooca qaada shidaalka”, iyagoo sheegay inay waxyeello weyn gaarsiiyeen.

Sheegashadan ayaa timid kadib weerarkii Maraykanka uu ku qaaday shan Maraakiib nooca Shidaalka ah oo Iran leedahay.

Bayaanka Ilaalada Kacaanka oo la soo saaray subaxnimadii Arbacada, 8-da Sebtembar, ayaa sidoo kale lagu sheegay in “10 markab oo xadgudub sameeyay” la weeraray.

Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in maraakiibtaasi ay isku dayayeen inay maraan waxa ay ku tilmaantay “aagga mamnuuca ah ee aan ammaan ahayn” ee marin-biyoodka Hormuz.

Wararkan weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Dhanka kale, CENTCOM ayaa bayaan ay soo saartay saqdii dhexe ee Talaadada ku sheegtay in bartilmaameedsiga shanta maraakiib nooca shidaalka oo Iran leedahay ah taasi oo jawaab u ahaa weerar Iran ay ku qaaday maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

CENTCOM waxay sheegtay in maraakiibta Maraykanka aan waxyeello loo geysan, ayna sii wadeen hawlgalladooda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles