Diyaaradaha dagaalka ayaa xalay duqeymo xooggan ka fuliyay deegaanka Nuur-Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo sida ay sheegtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay ku shirayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in duqeymaha si gaar ah loogu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la beegsaday goobo kale oo ay kooxda ku lahayd gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamka.
“Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa laga fuliyay deegaanka Nuur-Dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in howlgalka si gaar ah loogu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in duqeymaha lagu burburiyay fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe, isla markaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay xubnihii halkaasi ku sugnaa.
NISA kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymaha iyo khasaaraha kale ee ka dhashay howlgalka.
Deegaanka Nuur-Dugle ayaa ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana horey uga dhacay howlgallo iyo dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Duqeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.


