KGS, CXDS iyo AUSSOM oo ku heshiiyay dagaal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loo sugo amniga Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed iyo talisyada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ayaa ka wadahadlay xaalada amniga ee magaalada Baydhabo iyo siddii looga hortagi lahaa weerarada Al-shabaab.

Wasiirka amniga maamulka Koofur Galbeed, Isaak Maxamed Isaak (Korsaar), ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo qeybaha kala duwan ee hay’adaha amniga, iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada nabad-ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed iyo ciidamada nabad-ilaalinta, si si wadajir ah looga hortago caqabadaha amni ee ka jira deegaannada maamulka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay ilaalinta nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka, iyadoo hay’adaha amniga laga doonayo inay si dhow u wada shaqeeyaan.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, ay ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo dhinacyada amniga ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku...

Sheekh Shariif oo ka hadlay askari lagu dilay Shabeelada dhexe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka...

Somaliland oo ka hadashay xariga weriye Xassan Gallaydh

Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay xarigga wariye Xasan...

DFS oo ka hadashay halka uu marayo wada-hadalka Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay halka uu marayo wada-hadallada...

Diyaaradaha dagaalka oo duqeymo xooggan ka fuliyay G/Sh/Dhexe

Diyaaradaha dagaalka ayaa xalay duqeymo xooggan ka fuliyay deegaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles